Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Cabdullaahi Ismaaciil, ayaa maanta daahfurtay kulan looga hadlayay midaynta iyo isku-xirka qaybaha kala duwan ee haweenka Jubbaland.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, masuuliyiin kale, iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, oo ay ka mid yihiin culimada haweenka ah, ganacsatada, iyo dhalinyarada.
Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad. ayaa kawarramaya