Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxgaradka, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Xananbuure ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku wada nool deegaanka, iyagoo ku booriyay in la ilaaliyo xasilloonida lagana wada shaqeeyo dhismaha maamul loo dhan yahay.
Kulanka ka dhacay gudaha Xananbuure ayaa lagu xusay muhiimadda ay leedahay nabadda, wadajirka, iyo horumarka deegaanka. Waxgaradku waxay carrabka ku adkeeyeen in beelaha walaalaha ah ee deegaanka wada deggan ay yihiin kuwo isku dan ah, ayna tahay in la iska kaashado arrimaha horumarinta, maamulka deegaanka, iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah.
Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya