Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay hadda gacanta ku hayaan afartan boqolkiiba magaalada Gaza, iyagoo kordhiyay weerarkooda militari ee ka soo horjeeda baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in la joojiyo dagaalka.
Afhayeen u hadlay UNICEF ayaa sheegay in adeegyadii muhiimka ahaa ay hadda burburayaan magaalada ugu weyn ee Gaza; nolosha Falastiiniyiinta ayaa “la burburinayay,” ayuu yri, halka caruur badanna ay halis ugu jiraan gaajo.
Hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa sheegtay in duqeymo ay Israa’iil Khamiistii fulisay ay ku dhinteen ugu yaraan lixdan iyo afar Falastiiniyiin ah.
Israa’iiliyiinta ayaa amray dadka deggan magaalada Gaza inay ka baxaan magaaladaas.