Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Rajadii laga qabay in la helo dad ka badbaaday burburka guryihii uu burburiyay dhulgariirkii ka dhacay bariga Afgaanistaan dhamaadkii isbuucii lasoo dhaafay oo ay ku dhinteen in ka badan 1,400 oo qof ayaa baaba’ay iyadoo kooxaha gurmadka ay la halgamayaan sidii ay u gaari lahaayeen tuulooyinka fog-fog.
Degmada Kunar ee Nurgal, dhibbanayaasha ayaa waxaa ay ku hoos go’doomeen dhismayaal burburay oo ay adkeyd in la samata bixiyo, sarkaal maxalli ah oo lagu magacaabo Ijaz Ulhaq Yaad ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP Arbacadii.
Dhulgariirkan ayaa dilay ugu yaraan 1,411 qof, waxaana ku dhaawacmay 3,124 kale, maamulka talada haya ee Taliban ayaa sheegay, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee tobannaan sano ka hor ku dhuftay dalka saboolka ah.