Bruno Guimaraes Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Xaaladda Alexander Isak Ee Newcastle

0
17

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka Newcastle United, Bruno Guimaraes, ayaa si daacad ah uga hadlay xaaladda xiddiga weerarka ee kooxda, Alexander Isak, oo muddo ku dhaw bil ka gadoodsanaa kooxdiisa si uu ugu biiro Liverpool.

Guimaraes ayaa sheegay inuusan xiriir la yeelan Isak, isagoo xusay in weeraryahanku ku tababarto waqtiyo kala duwan oo aysan joogin inta kale ee kooxda.

“Kabtan ahaan, waa xaalad adag. Waxaan rabnaa inaan sii heysanno ciyaaryahannada ugu fiican, balse arrintan anaga gacanta kuma hayno. Waa arrin maamulka iyo milkiilayaasha khuseysa,” ayuu yiri Guimaraes.

Isak, oo xilli ciyaareedkii hore dhaliyay in ka badan 20 gool oo Premier League ah, ayaa si cad u sheegay inuusan sii wadi karin xiriirka uu la leeyahay Newcastle. Hase yeeshee, maamulka Magpies ayaa ku adkaysanaya inuusan iib ahayn xiddigooda ugu weyn.

Guimaraes ayaa qiray in kooxda si weyn u dareemayso maqnaanshaha Isak:

“Waan u baahannahay weeraryahankeena ugu fiican. Waxaan ku rajo weynnahay inuu soo laabto, laakiin nasiib darro, annaga ciyaartoy ahaan waxba kama qaban karno.”