Arne Slot Oo Ka Warbixiyay Xilliga Uu MacAllister Garoomada Kusoo Laabanayo.

0
36

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in khadka dhexe Alexis Mac Allister uu diyaar u noqdo kulanka adag ee Premier League ay Reds Axadda ku wajahayso Arsenal garoonka Anfield.

Mac Allister ayaa ka maqnaa guushii xiisaha badnayd ee 3-2 ay Liverpool ka gaartay Newcastle Isniintii, kadib markii uu ka baxay tababarka usbuucii hore sababo la xiriira xanuun jidheed.

Si kastaba, Slot ayaa ku adkaystay in dhaawacu uusan ahayn mid culus, isagoo shirkiisa jaraa’id ka dib kulanka sheegay:

Waxaan rajeynaynaa inuu diyaar noqdo. Laba maalmood ka hor ayuu tababarka ka baxay. Haddii uu helilahaa xilli-ciyaareed hore oo dhammaystiran, ma noqon lahayn dhibaato weyn, laakiin muddo badan ayuu maqnaa. Taasi waa sababta jirkiisu u dareemay xanuun.

Marka la eego xilli ciyaareed dheer oo weli socda, waxay ahayd khatar inaan soo celiyo isaga kulankii Newcastle. Laakiin waxaan rajeynayaa in maalmaha soo socda xaaladdiisu soo fiicnaato si uu diyaar ugu noqdo kulanka Axadda.”