Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Laacibka cusub ee Liverpool, Florian Wirtz, ayaa ka warbixiyay waaya-aragnimadiisii ugu horreysay ee Premier League tan iyo markii uu xagaagan kaga soo biiray Bayer Leverkusen ee horyaalka Bundesliga.
Xiddiga reer Jarmal ayaa qirtay in kubbada cagta Ingiriisku aysan gebi ahaanba ka duwanayn tan uu ku ciyaaray Jarmalka, balse uu si gaar ah u dareemay xoog iyo xawaare dheeraad ah.
“Kubbada Ingiriisku gabi ahaanba ma aha mid ka duwan tii hore, waa iskumid. Laakiin waxaa jira awood jireed iyo harjad badan.
Ciyaartoyda kaa soo horjeeda mar walba way ku cadaadinayaan. Laakiin aniga waan fahansanaa Bundesliga, halkaas oo inta badan ilaalin gaar ah la i saari jiray,” ayuu yiri Wirtz.
Wirtz ayaa lagu wadaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro qorshaha Arne Slot ee xilli ciyaareedkan, iyadoo taageerayaasha Liverpool ay si weyn u sugayaan inuu saameyn degdeg ah ku yeesho kooxda.