Carragher Oo Liverpool Uga Digay Iney Keliya Isku Halleyso Alexander Isak.

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa ku booriyay kooxdiisii hore iney ka fakaraan xal kale halkii ay waqtiga ku lumin lahaayeen xiisaha Alexander Isak, kaasoo Newcastle United ay isku dhaceen, maadaama uu isku dayayo inuu isaga tago kooxda.

Carragher ayaa sheegay in Liverpool mar horeba lacag xad-dhaaf ah ku bixisay dalabkii hore ee la diiday, isagoo ku daray.

“Isak wuxuu leeyahay awood uu ku qeexo xilli-ciyaareedka Newcastle iyo Liverpool. Maanta wuxuu dhibayaa Eddie Howe, berri waxay noqon kartaa dhibaato Arne Slot la daalaa dhacayo.

Slot ma difaacan karo horyaalka isagoo heysta saddex weeraryahan oo keliya – Mohamed Salah, Cody Gakpo iyo Hugo Ekitike. Waa lama huraan in kooxdu hesho ugu yaraan hal weeraryahan oo heer sare ah, gaar ahaan maadaama Salah uu maqnaan doono bisha December koobka Qaramada Afrika darteed.”

Carragher wuxuu ku adkaystay in Reds aysan ka dhigin qorshahooda weerarka mid ku tiirsan Isak kaliya:

“Liverpool waa inay noqdaan kuwo naxariis daran. Isak keliya iskuma halleyn karto. Waxay ahayd in mar hore la qorsheeyo beddel, gaar ahaan markii la iibiyay Luis Díaz.”

Isagoo qiray inuu jeclaan lahaa in weeraryahanka reer Sweden uu yimaado Anfield, Carragher wuxuu ku tilmaamay in dalabka la sheegay ee £110m “uusan ahayn mid yar”, balse in ka badan £130m ay tahay “xad-dhaaf”.

“Haddii Liverpool ay bixiso in ka badan £130m, waa lacag aad u badan. Taasi waa lacag aad ku heli karto Kylian Mbappé.”