Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrima Dastuurka Jubbaland ayaa Magaalada Dhoobley ka dhagax dhigtay Xarun Cusub oo loogu talagalay Xalinta khilaafaadka Bulshada.
Xaruntan ay Wasaaradu dhagax dhigtay ayaa aheyd mid ay Bulshadu baahi badan u qabeen islamarkaana ay si diran u soo dhaweeyeen.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrima Dastuurka Jubbaland oo ay Wehelinayeen Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda ayaa dhagax dhiga waxaa ku weheliyay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dhoobley Mudane Muqtaar Maxamed Sahal iyo Iyo Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Sheekh Maxamed Cumar Siraaje.
Xasan Maxamed Cabdullaahi. ayaa warbixintan inooga diyaariyay