Mohamed Salah Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta PFA Player of the Year 2025

0
188

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa loo doortay Men’s PFA Player of the Year kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo 2024/25 ah.

Laacibka reer Masar ayaa door muhiim ah ka qaatay guushii Liverpool ee Premier League, kadib waxqabad la taaban karo xilli uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii tegay:

  • Goolasha horyaalka: 29 gool
  • Caawinta ugu badan ee horyaalka: 18 assist

Salah waxa uu ka mid ahaa lixdii musharax ee abaalmarintan qiimaha leh, kuwaas oo kala ahaa:

  • Bruno Fernandes (Man United)
  • Alexander Isak (Newcastle)
  • Alexis Mac Allister (Liverpool)
  • Cole Palmer (Chelsea)
  • Declan Rice (Arsenal)

Abaalmarinta PFA Awards oo la qabtay Talaadadii, August 19, ayaa lagu sharfaa ciyaartoyda ugu fiican rag iyo dumar ee xilli ciyaareedkii hore.
Xusuusnow, sanadkii hore waxaa abaalmarintan ku guuleystay Phil Foden (Man City).