DEG-DEG: Alexander Isak Oo Ku Dhawaaqay War Ay Ku Farxaan Jamaahiirta Liverpool

0
215

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer Sweden Alexander Isak ayaa bayaan rasmi ah ku soo qoray Instagram, isaga oo xaqiijiyay inuu ka tagayo Newcastle United kadib markii uu sheegay in ay luntay kalsoonidii iyo ballanqaadyadii lagu heshiiyay.

Isak ayaa yiri:

“Waan ku faanayaa in magacayga lagu daray PFA Premier League Team of the Season 2024/25.

Marka hore waxaan u mahadcelinayaa saaxiibadayda kooxda iyo qof kasta oo taageere ii muujiyay intaan Newcastle ku sugnaa.

Ma joogin xafladda caawa, waayo xaaladda hadda jirta kuma habboona inaan halkaas kasoo muuqdo.

Mudo dheer ayaan aamusnaa anigoo la socda in warar been ah la iga faafinayo, in kastoo ay ogeyn wararkaasi ineysan ka turjumayn xaaladda dhabta ah ee jirta.

Xaqiiqadu waxay tahay in ballanqaadyo la sameeyay, kooxduna muddo dheer ay ka war heysay aragtidayda. Hadda sida ay wax u muuqdaan waa marin habaabin.

Marka ballan la jebiyo oo kalsoonidu lunto, xiriirka ma sii socon karo. Sidaas awgeed isbedelku waa waxa ugu wanaagsan ee uu qof walba go’aansado, aniga aanba ugu horreeyee.”

Ku dhawaaqista Isak ayaa dhaawac weyn ku noqon karta Newcastle, maadaama uu ahaa weeraryahan muhiim u ah kooxda tan iyo markii uu yimid 2022.