Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Israa’iil ayaa darsaysa jawaabta ay Xamaas ka bixisay soo jeedinta xabbad joojinta Gaza ee ku saabsan xabbad joojin lixdan maalmood ah iyo sii deynta kala bar la haystayaasha Israa’iil ee weli gacanta lagu hayo.
Qatar ayaa xaqiijisay in heshiisku uu “inta badan la mid yahay” qorshihii hore ee Maraykanka.
Qatar iyo Masar ayaa dadaal ugu jira sidii heshiis loo gaari lahaa ka hor duulaanka Israel ay ku dooneyso inay si buuxda u qabsato Gaza.
Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in heshiiska uu keenayo in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan ilaa hal Kilomitir meel ka baxsan xadka inta badan deegaanada.
Ciidamada Israa’iil waxay sii joogi doonaan laba waddo oo dhanka ammaanka ah oo Gaza ah, kuwaas oo (lagu magacaabo Morag iyo Philadelphi.