Hay’ado badan oo Israa’iil ku eedeeyey inay si ula kac ah u xannibtay gargaarkii Qasa

0
151

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 100 hay’adood oo kuwa gargaarka ah ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay sii waddo inay gargaarka bani aadminimada xannibto Qasa, inkastoo ay ballan qaadday inay ogolaanayso mucaawino dheeraad ah si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay gaajada halkaa ka jirta.

Hay’adda Oxfam ayaa sheegtay in gargaar ku kacaya in ka badan 2 malyan oo doollar la diiday.

Hay’adda Care waxay iyadana sheegtay in gargaar loogu talagalay hooyada iyo dhallaanka oo ku kacaya in ka badan 2 malyan oo doollar la sugayo muddo 5 bilood ah inuu deegaankaas galo.

In badan oo hay’adaha gargaarka ah waxay sheegeen in Israa’iil aysan ogolaan wax gaadiidka mucaawinada sida ah inay galaan tan iyo markii ay xannibaaddu bilaabatay bishii Maarso

Hay’aduhu waxay ka digeen xeerarka cusub ee ay wax ku kala saarayso Israa’iil inay gabi ahaanba yihiin kuwo iyaga hor istaagaya.