Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tirada dadka tahriibayaasha ah ee doomaha yar yar uga gudbaya kanaalka Ingiriiska tan iyo markii xisbig ashaqaalaha ay xilka la wareegeen xagaagii hore ayaa la filayaa inay gaarto 50,000.
Xogta Xafiiska Arrimaha Gudaha waxay muujinaysaa in 49,797 qof ay safar kusoo galeen ilaa Axaddii, iyadoo wadarta guud ee Isniinta ay tahay in goor danbe la sii daayo.
Wasiirka ka tirsan dawladda Baroness Smith ayaa BBC-da u sheegtay in tani ay tahay “tiro aan la aqbali karin” balse waxay tilmaantay “in mid ka mid ah, ka dhalatay ” heshiiska ay lala galay Faransiiska si looga hortago.
Laakiin xisbiga muxaafidka ayaa sheegay in wadarta guud ee soo galootiga ay muujinayso in xidbiga Shaqaaluhu “is ay dhiibeen xudduudahayaga”.
Tiradan ugu dambeeysa ayaa imaanaysa iyadoo wasiirradu ay sii wadaan inay la tacaalaan sidii wax looga qaban lahaa kooxaha dadka tahriibiya – taas oo ah ballan-qaad muhiim ah oo uu sameeyay Sir Keir Starmer markii uu noqday ra’iisul wasaaraha.