Trump oo sheegay inuu isku dayayo inuu dhul usoo dhiciyo Ukraine.

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu isku dayi doono in uu dib u soo celiyo qaar ka mid ah dhulalka Ukraine inta lagu guda jiro kulanka uu Jimcaha la yeelanayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Trump waxa uu ku andacooday in uu ku ogaan karo labo daqiiqo gudahood marka uu la kulmo Putin in horumarku suurtogal yahay iyo in kale.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu isticmaalo oraahda ah “dhul-is dhaafsi”, inkastoo aan la ogeyn dhulka uu Ruushku ku wareejin karo Ukraine.

Trump ayaa sheegay in uu wargelin doono hoggaamiyeyaasha Yurub haddii Putin uu soo jeediyo “heshiis cadaalad ah” inta lagu guda jiro wadahadalka, isaga oo intaa ku daray in uu marka hore la hadli doono madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Madaxweynaha Mareekanka ayaa sheegay in kulanka Jimcaha uu noqon doono “kulan dareen leh” oo looga dan leeyahay in lagu boorriyo Putin inuu joojiyo dagaalka.