Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay wafdi ka socday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Ciraaq oo uu hoggaaminayo La-taliyaha Wasiirka Arrimaha gudaha, Sarreeye Guud Ziyad Daha Cali iyo Agaasimaha waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq, Sarreeye Gaas Calaa Canshuur Manaati. Wafdigan ayaa booqasho ku yimid xarunta dhexe ee HSJ.
Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha JFS mudane Yuusuf Cali Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan HSJ.
Ugu horrayn, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa wafdiga siiyay warbixin guud oo ku saabsan dedaallada lagu xaqiijinayo horumarinta baasaboorka Soomaaliyeed iyo isbeddellada lagu sameeyay adkaynta lagu codsado baasaboorka, hirgelinta nidaamka PISCES, iyo saxiixyada heshiisyada wada-shaqaynta ee Interpol oo qayb ka qaadanaya adkaynta amniga socdaalka iyo xuduudaha