Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tirada dadka Jabaan ayaa aad hoos ugu dhacay. Tirada rasmiga ah ayaa muujinaya tirada dadka Jabaan ay hoos ugu dhaceen in ka badan 900,000 sannadkii aynu soo dhaafnay, iyada oo hoos u dhaca dadka dalkaasi uu aad xowli ugu socdo.
Ku dhowaad ilaa Labaatan sano ayuu soo socday hoos u dhaca. Japan ayaa sanado badan lahayd hoos u dhaca dhalashada iyada oo ay sii kordhaysay tirada dadka waaweyn ee dalkaasi iyada oo dhimashaduna ay sii kordhaysay.
Dalalka kale ee Bariga Aasiya iyo kuwa kale ayaa la kulmayay isbedelka heerarka bini’aadamka. Hadda tirada ajaanibta ku nool Japan ayaa sii kordhaya, kuwaasi oo intooda badan ah shaqaale kumeel gaar ah.