Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargeyska Catalanka ah ee Sport ayaa sheegay in kooxda Barcelona ay ku dhow dahay dhameystirka diiwaangelinta goolhayaha reer Spain, Joan Garcia, si uu ugu ciyaaro kooxda xilli ciyaareedka cusub ee La Liga.
Warbixintu waxay xustay in diiwaangelinta la filayo inay ku dhacdo 4 ilaa 5 maalmood gudahood, iyadoo maamulka kooxda ay haatan si adag uga shaqeynayaan inay ku laabtaan xeerka 1/1, kaas oo u ogolaanaya kooxdu inay si fudud u diiwaangeliso ciyaartoy cusub iyadoo aan laga eegin mushaharka guud ee kooxda.
Joan Garcia ayaa Barcelona kaga soo biiray kooxda Espanyol xagaagan, waxaana lagu iibsaday lacag dhan 25 milyan oo euro. Waxaa la qorsheynayaa in da’yarkani noqdo goolhayaha koowaad ee kooxda xilli ciyaareedka 2025/26.
Si kastaba ha ahaatee, Barcelona weli ma diiwaangelin saddexda xiddig ee cusub ee kala ah:
- Marcus Rashford
- Roni Pedragic
- Wojciech Szczesny
Iyadoo waqti aad u yar uu ka haray bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee La Liga, waxaa cadaadis weyn saaran maamulka Barcelona si ay u furaan boosaska mushaharka ee la xakameynayo, una suurto galiyaan diiwaangelinta ciyaartoyda muhiimka ah. Joan Garcia ayaa noqonaya xiddigii ugu horreeyay ee cusub oo rasmiyan loo diiwaangeliyo haddii hawshu ku dhammaato sida la rajeynayo toddobaadkan.