Sababta Ka Dambeysa In Barcelona Ay Ku Fashilanto Saddexdii Dalab Ay Ka Gudbisay Luis Diaz Oo La Ogaaday

0
134

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Barcelona ayaa xagaagan saddex jeer la xiriirtay wakiilada Luis Diaz, waxayna dalab dhan €60 milyan ka gudbiyeen xiddiga si ay uga soo qaataan Liverpool, sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Fabrizio Romano.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa si cad u diiday dalabkaas, waxayna ku jawaabeen:
“Mahadsanidin, laakiin maya. Waxaan dooneynaa in ka badan lacagtaas.”

Maxaa Keenay Diidmada Barcelona?

Barcelona waxaa xadiday:

  • Xaaladooda dhaqaale ee liidata
  • Da’da Luis Diaz (oo hadda 28 jir ah)
  • Iyo qorshaha dib-u-dhiska kooxda oo aan haysan miisaaniyad badan.

Kooxda reer Catalonia ma aysan awoodin in ay kordhiyaan dalabkooda, taas oo la micno ah in ay si rasmi ah uga tanaasuleen saxiixa xiddiga reer Colombia.

Arrintan waxay calaamad u tahay caqabadaha dhaqaale ee Barcelona kala kulmeyso suuqa kala iibsiga, iyadoo ay adag tahay in ay la tartanto kooxaha awoodda leh ee Yurub – sida Liverpool iyo Bayern – marka ay timaado bixinta lacagaha waaweyn ee xiddigaha tayada leh.