Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 6 qof ay dhinteen halka in ka badan 10 kalena ay dhaawacmeen ka dib isbuurasho laga soo tabiyay macbad ku yaalla gobolka Waqooyi ee Uttarakhand ee dalka India.
Waxaa tani loo aaneeyay dad aad u tira badan oo adeegsanayay jaraanjarrada loo maro goobtaasi.
Waxaa arrintan xaqiijiyay sarkaal sare oo booliis ah oo lagu magacaabo Parmendra Dobhal oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP.