Degmada Guriceel oo laga dhagax dhigtay Iskuul u gaar ah gabdhaha.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo ay weheliyaan maamulka degmada Guriceel iyo mas’uuliyiin kale, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha iskuul cusub oo gaar u ah gabdhaha Magaalada Guriceel.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa ka dhacday goobta la qorsheeyay in laga hirgeliyo iskuulka, waxaana ka qayb galay odayaal dhaqameed, waalidiin, macallimiin, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in iskuulkan cusub uu qeyb ka yahay dadaallada Dowladda Galmudug ay ugu jirto horumarinta waxbarashada gabdhaha, si loo helo bulsho wax-baratay, gaar ahaan qeybaha Haweenka oo mararka qaar la kulma caqabado gaar ah oo dhinaca Waxbarashada ah.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa