Fashil: Sababta Arsenal Ay Uga Baxday Wadahadalladii Rodrygo oo Bannaanka Loo Soo Saaray

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah uga baxday wadahadalladii weeraryahanka reer Brazil ee Rodrygo, kaddib markii ay diideen mushaarka sare ee ay dalbadeen wakiilladiisa, sida ay wararku sheegayaan.

Rodrygo, oo haatan todobaadkii ka qaata Real Madrid lacag ku dhow €250,000, ayaa lala xiriirinayay inuu ku biiro Arsenal si uu u xoojiyo weerarka kooxda Mikel Arteta xilli ciyaareedka 2025-26.

Si kastaba, Arsenal ayaa go’aansatay inay joojiso wada xaajoodyadii, iyadoo diiradda saareysa xasilloonida dhaqaale ee kooxda iyo dib u habeynta tayada kooxda, kaddib maalgashi ballaaran oo ay sameeyeen xilliyaadii u dambeeyay.

Mustaqbalka Rodrygo ee Real Madrid wali ma cadda, iyadoo su’aalo laga qabo inuu sii joogi doono kooxda xagaagan.