Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weerar dhinaca internet-ka ayaa lagu jabsaday xarunta cilmi baarista qandaraasyada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, waxaana lagala baxay xog iyo tiknoolajiyada aad xasaasi u ah.
Waxaa ka mid ah barnaamijka sirta ah ee lagu magacaabo Digital Hammer.
Lama oggaan cidda weerarkan fulisay, balse wuxuu weerarkan dhacay markii dhawaan la xaqiijiyay in Shiinaha uu jabsaday nidaamka hay’adda nukliyeerka Mareykanka , sida uu maanta ku warramay wargeyska caasimadda Mareykanka ka soo baxa ee Washington Times.