WHO oo Sheegtay inay Qasa ka jirta gaajo ku-talo-gal ah

0
140

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 100 hay’adood oo caalami ah iyo ururrada ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa ka digay gaajo baahasan oo ka dillaacda Marinka Qasa, iyaga oo ugu baaqay waddamadu in ay tallaabo qaadaan.

Ururka Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF iyo hay’adaha Save the Children iyo Oxfam ayaa ka mid ah kuwa soo saaray bayaan wada jir ah oo arrimahan ay kaga hadlayaan.

Israa’iil oo iyadu maamusha dhammaan gargaarka galaya Marinka Qasa ayaa diidday bayaanka ay soo saareen hay’adaha gargaarka iyada oo ku tilmaantay boronbogaando loo samaynayo Xamaas.