Liverpool Oo Bannaanka Keentay Qorshe Weyn Oo Ay Suuqa Ka Damacsan Tahay

0
140

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaan weli qorsheyneyn inay suuqa kala iibsiga ka baxaan, inkastoo ay dhammeystireen saxiixa weeraryahanka Eintracht Frankfurt, Hugo Ekitike.

Warbixinno dhowaan soo baxay ayaa sheegaya in Eintracht ay aqbashay dalabkii Liverpool ee ku kacayay £79 milyan (oo ay ku jiraan gunooyin), taasoo keentay in Ekitike loo fasaxo tijaabada caafimaadka. Heshiiskaas ayaa sare u qaaday wadarta lacageed ay Liverpool ku bixisay suuqa xagaagan.waxaa lagu qiyaasay ilaa ku dhowaad £300 milyan. Si kastaba, weriyaha Fabrizio Romano ayaa sheegay in kani uusan noqon doonin saxiixii ugu dambeeyay ee kooxda — waxaana la filan karaa kuwo kale.

Tababare Arne Slot ayaa laga yaabaa inuu doonayo daafac dhexe oo cusub, kadib markii Liverpool ay ka iibisay Jarell Quansah kooxda Bayer Leverkusen, sidoo kalena weli aysan xal ka gaarin xaaladda qandaraaska Ibrahima Konate oo hal sano uga haray heshiiskiisa.

Liverpool ayaa si dhow ula socota daafacyada Marc Guehi (Crystal Palace), Illia Zabarnyi (Bournemouth), iyo Charlie Cresswell (Toulouse), kuwaasoo noqon kara xulashooyin lagu xoojiyo xarunta daafaca.

Ugu dambeyn, haddii kooxda ay ka tagaan Luis Diaz ama Federico Chiesa, waxaa loo baahan doonaa weeraryahan garab ah oo cusub si loo buuxiyo booskaas.