67 qof oo Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Marinka Qasa xilli ay gargaar dalbanayeen

0
55

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciidammada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan 67 qof oo sugayay gawaadhida gargaarka ee Qaramada Midoobay waqooyiga Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kolonyadooda 25-ka ah ee xammuulka ah “ay la kulmeen dad badan oo rayid ah oo gaajaysan kuwaas oo rasaas lagu furay”, wax yar kaddib markii ay ka soo gudbeen Israa’iil oo ay banneeyeen isbaarooyin.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ay “rideen rasaas digniin ah” si meesha looga saaro “khatar degdeg ah”.

Muran ayaa ka taagan tirada dhimashada la sheegay. Laakiin Sabtidii wasaaraddu waxay ka digtay in gaajada ba’an ay ku sii faafayso Qasa, tirada sii kordhaysa ee dadkuna ay imanayaan xarumaheeda “iyagoo ku jira duruufo adag ay ka muuqdaan”.