Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Barcelona ayaa laga hor istaagay inay dib ugu laabtaan garoonkooda taariikhiga ah ee Spotify Camp Nou ka hor bisha Agoosto, kaddib markii Golaha Magaalada Catalonia uu go’aamiyay in garoonka aanu wali ammaan u ahayn taageerayaasha, sababo la xiriira shaqooyin dhismo oo aan weli dhamaan.
Elena Fort, oo ah madaxweyne ku xigeenka dhanka dhaqaalaha ee kooxda, ayaa arrintan faahfaahin ka bixisay iyada oo la hadlaysay Barça One Studios.
“Waxaa naga go’nayd inaan ku laabano Camp Nou 10-ka Agoosto si aan u qabano koobka Joan Gamper, balse waxaan heshiis la gaarnay Golaha Magaalada si dib loogu dhigo qorshihii,” ayay tiri Fort.
“Sababta ugu weyn ayaa ah in shaqada dhismaha ee weli socota aanay suuragal ka dhigin in si buuxda loo waafajiyo shuruucda magaalada, si loo helo oggolaanshaha rasmiga ah ee deggenaanshaha garoonka.”
Fort ayaa sheegtay in baaxadda iyo nooca mashruuca Camp Nou — oo ah mid isbeddelaya maalin walba — uu ka duwan yahay dhismeyaasha caadiga ah, taasoo ka dhigaysa in loo baahdo waqti dheeraad ah iyo hab gaar ah oo la jaan qaada “mashruuc nool” sida ay sheegtay.
Barcelona ayaa haatan qorsheyneysa inay xilli ciyaareedka cusub ku bilaabato Estadi Olímpic Lluís Companys (Montjuïc Stadium).