Turkiga, Lubnaan iyo Ciraaq oo ka hadlay weerarada Israa’iil ee Suuriya

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Turkiga ayaa sheegay duqaymaha Israa’iil ee Dimishiq iyo faragelinteeda Koonfurta dalkaasi ay tahay talaabo dhaawacaysa dadaalka Suuriya ee helitaanka nabadda, xasiloonida iyo ammaanka.

‘’Shacabka Suuriya waxa ay hadda haystaan fursad taariikhi ah oo ay ku noolaadaan nabbad una dhexgalaan caalamka’’, ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarada, waxaana uu ku baaqay bulshada caalamka ay dhameeyaan colaada.

Waxaa uu ku qeexay duqaymaha inay yihiin ‘’xadgudub cad oo madaxbanaanida Suuriya iyo jabinta aragtida aasaasiga ee sharciga caalamiga ah’’, isaga oo intaasi ku daray Israa’iil weerarkeeda uu yahay mid aan la aqbali karin.

Wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq ayaa sheegay inay diidan yihiin ‘’khatar galinta’’ nolosha suuriyaanka iyo sii kordhinta dhibaatooyinkooda bini’aadanimo.