Liverpool Oo Wadahadallo Rasmi Ah Oo Ku Aadan Rodrygo La Furtay Real Madrid

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday “ESPN Brasil,” kooxda Ingiriiska ee Liverpool ayaa durba billowday wadahadallo rasmi ah oo ay la yeelatay Real Madrid si ay ula soo saxiixato xiddiga reer Brazil ee Rodrygo Goes inta lagu guda jiro suuqa-xagaagan.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo kooxda “Reds” ay dooneyso inay xoojiso weerarkeeda, gaar ahaan iyadoo la isku dayayo in la helo ciyaaryahan xawaare, xirfad iyo waayo-aragnimo Yurub leh — arrin si gaar ah muhiim u ah maadaama mustaqbalka Luis Diaz uu yahay mid shaki ku jiro, islamarkaana laga yaabo inuu kooxda ka tago.

Inkastoo wada-xaajoodyadu ay wali ku jiraan heerarkii hore, haddana wada-hadallada tooska ah ee Liverpool ay la bilaawday kooxda boqortooyada ayaa loo arkaa tilmaam dhab ah oo muujinaysa xiisaha weyn ee ay u qabaan ciyaaryahanka.

Rodrygo ayaa la filayaa inuu toddobaadyada soo socda kulan la yeesho maamulka kooxda iyo tababare Xabi Alonso si ay uga wada hadlaan mustaqbalkiisa, ka hor inta uusan gaarin go’aan kama dambeys ah.