Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka Soomaaliland ayaa Magaalada Boorama gaarsiiyay Raashin loogu talagay in loogu gurmado Dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku nool Gobalada Awdal iyo Salal.
Raashinkan oo dhan Saddex kun iyo Laba Boqol oo Qoys ayaa waxaa loo qeybin doonaa Bulshooyiinka ku nool Degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya iyo Seylac sida ay Sheegeen Masuuliyiinta Degmada Boorama ee Gobolka Awdal iyo Wasiiro Goob joog u ahaa Raashinkan La gaadhsiiyay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobalka Awdal.
Xasan Maxamed Cabdullaahi. ayaa ka warramaya