Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wararka ka imaanaya dalka Portugal ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskii u dhexeeyay Arsenal iyo Sporting CP ee ku saabsanaa weeraryahanka reer Sweden Viktor Gyokeres uu mar kale wajahay khatar ah inuu gebi ahaanba burburo.
Wargeyska Record ayaa sheegaya in inkasta oo dhinacyadu ay horey uga heshiiyeen qiimo dhan €70m (+ €10m gunooyin ah), haddana waxaa la isku fahmi la’yahay shuruudaha la xiriira gunnooyinka dheeraadka ah.
Sporting waxay rabtaa in gunooyinkaasi ay noqdaan kuwa fudud oo loo gaari karo si dhaqso ah – halka Arsenal aysan diyaar u ahayn in ay aqbasho dhammaan shuruudahaas.
Wargeyska A Bola ayaa intaa ku daraya in kaliya €3m oo ka mid ah gunooyinka ay yihiin kuwa ay Sporting u aragto “in si sahlan loo gaari karo”. Tani waxay dhalisay khilaaf weyn oo sababi kara in heshiisku uu si buuxda u burburo.
Waxaa la filayaa in Gyokeres iyo wakiilkiisa Hasan Cetinkaya ay si dadweyne ah ula hadlaan saxaafadda si ay u cadaadiyaan dhinacyada kala duwan oo ay heshiiska u sii nooleeyaan.