Qiimaha Bitcon oo markii ugu horreysay lagu kala ibsanayo 120,000 oo doolar

0
36

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qiimaha lagu kala iibsanayo lacagaha dhigitaalka ee ugu weyn adduunka ee cryptocurrency – Bitcoin – ayaa markii ugu horreysay gaartay in ka badan boqol iyo labaatan kun oo doolar ($ 120,000).

Horumarkan ayaa ka tarjumaysa kalsoonida maalgashadayaasha ee cryptocurrencies tan iyo bilowgii sanadka, markii Donald Trump dib loo soo doortay.

Laga bilaabo galinka dambe ee isniinta maana ah, aqalka Congress-ka ayaa ka doodi doonaa hindise sharciyeedyo taxane ah oo looga dan leeyahay in dib loogu habeeyo nidaamka lacagaha dhijitaalka ah ee Maraykanka.