Chelsea Oo Guul Taariikhi Ah Ka Gaartay PSG Iyadoo Ku Guuleysatay Koobka Adduunka Ee Kooxaha

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Chelsea ayaa ku guuleysatay Koobka Adduunka ee Naadiyada 2025 kadib markii ay si la yaqaan u garaacday Paris Saint-Germain.waxey kaga badiyeen 3–0 ciyaartii kama dambaysta ahayd oo ka dhacday garoonka MetLife Stadium, New Jersey.

Xiddiga da’da yar ee reer England Cole Palmer ayaa hoggaanka u dhiibay Blues isagoo dhaliyay labo gool daqiiqadihii 22-aad iyo 30-aad, isagoo muujiyay farsamo iyo xasillooni cajiib ah. Waxa uu sidoo kale caawiye ka noqday goolkii saddexaad ee uu dhaliyay João Pedro waqtigii dhimashada ee qeybta hore, kaasoo si qurux badan kubadda uga dulqaaday goolhayaha PSG ee Gianluigi Donnarumma.

Chelsea oo uu hoggaaminayay Enzo Maresca ayaa soo bandhigtay ciyaar xeeladaysan, daafac adag iyo weerarro degdeg ah ku dhisan, iyadoo goolhaye Robert Sánchez uu sameeyay badbaadino muhiim ah si uu u ilaaliyo nadiif ahaanshaha shabaqa Chelsea.

Dhanka kale, PSG ayaa la daalaa dhaceysay in ay fursado u beddesho goolal, iyadoo ay u dheertahay qaladaad daafac oo ay si weyn uga faa’iideysatay Chelsea.

Chelsea ayaa hanatay koobkii labaad ee xilli ciyaareedka kadib Europa Conference League, taasoo calaamad u ah dib u soo laabashadooda heerka caalami.