Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargayska AS ee ka soo baxa Spain ayaa sheegay in Liverpool ay xiiso weyn u muujisay xiddiga reer Brazil ee Rodrygo kaas oo ah garabka Real Madrid iyaga oo doonaya in ay xoojiyaan weerarkooda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Wargayska ayaa sheegay in Liverpool ay Rodrigo u aqoonsatay bartilmaameedka badalka Luis Diaz kaas oo ay u badantahay in uu isaga tago xagaagan xilli ay xiiso u qabaan kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona.
Ilahan ayaa sharaxay in Real Madrid aysan wali helin wax dalab rasmi ah, ha ahaato Liverpool ama koox kale.
Laacibka ayaa lala xiriiriyay kooxo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan Paris Saint-Germain, Liverpool, Paris Saint-Germain, iyo Al-Nassr Saudi Clu