Hirshabeelle oo guddiyo wacyigelinta ka shaqeeya ka sameeysay Deeganno Hoos taga Baladweyne

0
56

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Isku duwaha wasaaradda gargaarka iyo mareynta masiibooyinka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Cabdullahi Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay inay dhiseen guddiyo loogu talo galay inay ka shaqeeyaan wacyigelinta bulshada xiliyadda khataraha ay jiran kuwaasoo loo sameeyay deegannada Bacaad, Leebow iyo Lug bari oo dhanka waqooyi ka xiga Magaalada Baladweyne.

Guddiyadan oo iskugu jira waxgaradka, iyo dhalinyarada ayaa loo qabtay tababaro ku saabsan sida looga wacyigelin bulshada khataraha halka qaar ka mid ah saxafiyiinta magaalada Baladweyne loo qabtay tababar ku saabsan tabinta sheekooyinka ku saabsan dadaadka iyo abaaraha.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarameysa