Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha cusub ee Chelsea, Enzo Maresca, ayaa si toos ah uga hadlay niyad-jabka Madueke ee kooxda, xilli kooxda Arsenal ay si gaar ah u xiiseyneyso.
Maresca oo la hadlay saxaafadda ayaa si cad u sheegay:
“Waxaan doonayaa ciyaartoy ku faraxsan halkan. Cid kasta oo aan halkan ku faraxsaneyn, way tagi kartaa.”
Hadalkan ayaa u muuqda mid u furaya albaabka Madueke haddii uu doonayo inuu ka tago Stamford Bridge.
Madueke ayaa la rumeysan yahay inuu u furan yahay inuu u wareego Arsenal, halka wakiilkiisa la sheegay inuu horey ula hadlay maamulka Gunners si loo dardar-geliyo heshiiska iman kara ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Chelsea oo hoos u dhigtay qiimihiisa ilaa £40 milyan si ay u helaan koox iibsata, ayaa haatan la filayaa iney ka fiirsato dalab rasmi ah haddii Madueke caddeeyo inuu doonayo inuu baxo.