Jude Bellingham oo Si Aan La Fileyn Uga Falceliyay Go’aankii Nico Williams Ku Diiday Barcelona.

0
68

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jude Bellingham ayaa markale qabsaday hadal haynta baraha bulshada kaddib markii si toos ah oo kulul uu uga jawaabay su’aal laga weydiiyay go’aankii uu Nico Williams ku diiday ku biirista Barcelona.

Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid ayaa si kooban u yiri:

“Waxba igama khuseeyaan.

Hadalkan kooban ee Bellingham ayaa si cad u muujinaya inuusan xiiso u haynin khilaafaadka ama hadal-heynta ku saabsan suuqa ciyaartoyda ee kooxaha ka soo horjeeda, gaar ahaan Barcelona.

Nico Williams ayaa dhawaan cusbooneysiiyay heshiiskiis Athletic Club.Wuxuu kooxda ku sugnaan doonaa ilaa 2035, isagoo diiday dalabyo uu ka helay Barca – arrin muran badan ka dhalisay gudaha Spain.

Jawaabta Bellingham ayaa u muuqata mid sii hurinaysa tartanka iyo xamaasadda u dhaxeysa Real Madrid iyo Barcelona, iyadoo sidoo kale dhiirogelin u noqon karta taageerayaasha Los Blancos.