Dalabka Xamaas ee laga filayo heshiiska xabbad joojinta iyo duqaymaha weli ku socda Qaza

0
54

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Israa’iil ayaa sii wada duqaymaheeda Qaza, halka Xamaas ay wado dooda soo jeedinta xabbad joojintii ugu dambeysay.

Kooxda Xamaas ayaa sheegtay inay la tashanayso kooxaha kale ee ku sugan Qaza, ayna u gudbin doonaan jawaabtooda dhexdhexaadiyaasha marka ay wadahadaladu soo afjarmaan.

Bayaanka ay soo saartay Xamaas ayaa imaanaya booqashada la filayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu uu ku tago Washington, halkaasi oo Isniinta uu kula kulmayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Dalabaadka furaha u ah Xamaas ayaa ah ka bixitaanka ciidamada Israa’iil qayb ka mid ah marinka Qaza, ayna samayso israa’iil balanqaad in duqaymaha aysan soo laaban doonin marka xabbad joojinta 60ka maalmood ah ay dhamaato.

Laanta difaaca rayidka ee Qaza ayaa sheegtay duqaymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil lagu dilay ugu yaraan 15 qof.