Taageerayaasha Kubadda Cagta oo Si Kala Duwan Uga Falceliyay Geerida Diogo Jota.

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bulshada kubadda cagta ayaa si weyn u gilgishay kadib geerida naxdinta leh ee weeraryahanka Liverpool, Diogo Jota, oo ku dhintay shil baabuur isaga oo 28 jir ah, ka dhacay dalka Spain.

Jota ayaa shan maalmood kahor uun guursaday lamaanehiisa nolosha, Rute Cardoso, balse nasiib darrada ayaa si xanuun badan u taabatay qoyskiisa da’da yar.

Taageerayaal ka kala tirsan kooxaha Manchester United, Chelsea, Arsenal iyo kuwo kale ayaa baraha bulshada ku muujiyay murugo, naxdin iyo midnimo, iyaga oo ka tacsiyeynaya geerida xiddigan reer Portugal.

Mid kamid ah taageerayaasha ayaa qoray:

“Wuxuu ahaa dhalinyaro, waa walaal naga baxay.”

Inkasta oo Jota uu u ciyaarayay Liverpool, taageerayaashii kooxaha kale ayaa iska illaabay kala duwanaanshihii kooxaha si ay u ixtiraamaan geeridiisa.

Taageere Arsenal ah ayaa yiri:

“Maanta cayaar kooxeed wax micne ah ma leh. 28 waa da’ aad u yar.Jota wuu naga wada baxay.”

Taageere Chelsea ah ayaa ku daray:

“Waan la kaftami jirnay, garoonkana waan kaga baqi jirnay, laakiin tani waa musiibo weyn. Qoyska iyo ehelkiisana waan la dareemayaa xanuunka”

Taageerayaal Manchester United ah ayaa iyaguna u mahadceliyay xiddigan geeriyooday, iyaga oo sheegay:

“Waa run inaan kala duwannahay, laakiin maanta waxaan nahay hal qoys kubadeed. Qoyska Diogo waan u tacsaiyadeyneynaa”

Jota oo caan ku ahaa dhaq-dhaqaaqiisa xariiftanka ku lamaanan, goolashiisa muhiimka ah iyo dabeecaddiisa deggan ee xirfadeed, waxaa jeclaa dhammaan taageerayaasha iyo asxaabta ciyaaraha.

Geeridiisa degdega ah ayaa gilgishay bulshada kubadda cagta caalamka oo dhan.

Wuxuu ahaa wiil da’ yar oo riyooyinkiisa iyo noloshiisa loosoo afjaray si kedis ah – balse magaca iyo saamayntiisa kubadda cagta weligeed ayaa la xusuusan doonaa.