Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wareegga 16-ka ee tartanka FIFA Club World Cup ee ka socda Mareykanka ayaa la soo gabagabeeyay saacadihii hore ee Arbacada, iyadoo Borussia Dortmund ay 2-1 kaga adkaatay Monterrey.
Real Madrid ayaa habeenkii Talaadada 1-0 kaga badisay Juventus, waxaana goolka guusha u dhaliyay Gonzalo Garcia.
Kahor kulammada wareegga siddeedda ee la ciyaari doono Jimcaha iyo Sabtida, warbixin uu qoray wargeyska Mirror ayaa lagu sheegay liiska ciyaartoyda ugu caawinta badan tartanka illaa hadda.
Enzo Fernandez oo ka tirsan Chelsea iyo Khvicha Kvaratskhelia oo PSG u ciyaara ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu sarreeya liiska kuwa ugu badan ee caawiyay goolal.
Halkan hoose ka akhri liiska ciyaartoyda ee ugu caawinta badan FIFA Club World Cup 2025:
Marcos Acuna – 2 caawin
Karim Adeyemi – 2 caawin
Alberto Costa – 2 caawin
Enzo Fernandez – 2 caawin
Jorginho – 2 caawin
Orkun Kokcu – 2 caawin
Khvicha Kvaratskhelia – 2 caawin
Ruben Neves – 2 caawin
Michael Olise – 2 caawin
Gonzalo Plata – 2 caawin
Khephren Thuram – 2 caawin
Oliver Torres – 2 caawin
Vitinha – 2 caawin
Waxaa la sugayaa in kulamada wareegga siddeedda uu wax ka beddelo hannaanka kala sarreynta ciyaartoydan.