Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka xulka Belgium, Romelu Lukaku, ayaa si daacadnimo leh u qirtay inuusan runtii dooneyn inuu ku biiro Manchester United sanadkii 2017.
United ayaa markaas heshiis ku kacaya £75 milyan kula soo wareegtay Lukaku oo ka ciyaarayay Everton, balse haatan wuxuu sheegay inuu doorbidi lahaa Chelsea, hase yeeshee uu saameyn weyn ku yeeshay wicitaan uu ka helay Jose Mourinho, oo markaas ahaa tababaraha United.
Lukaku oo la hadlay wargeyska Het Nieuwsblad ayaa yiri:
“Dhammaan waxaan xiddigaha Chelsea u sheegay: Waan tegayaa.”
“Laakiin si lama filaan ah Mourinho ayaa ii soo wacay wuxuuna ii sheegay in Manchester United ay dalab rasmi ah iga gudbisay.”
“Markii aan kasoo laabtay fasaxa, waxaa si lama filaan ah heshiis lala gaaray Everton.”
“Waxaan u sheegay Mino Raiola [wakiilkiisii hore] kadib heshiiska: ‘Tani iney dhacdo ma doonayo’. Kadib waxaan go’aansaday inaan wax walba oo mustaqbalkeyga ku saleysan aan aniga maamulo.”
Lukaku ayaa ugu dambeyn u saftay United 96 kulan, isagoo dhaliyay 42 gool labo xilli ciyaareed gudahood ah, ka hor inta uusan ka tagin kooxda.