Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United, Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay saxiixa weeraryahanka Chelsea Christopher Nkunku.
27-sano jirkaan ayaa ka mid ah xiddigo badan oo kooxda 1-aad ah oo ka tagi doona Chelsea inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Tan iyo markii uu 52 milyan uga soo wareegay RB Leipzig xagaagii 2023, xiddiga reer France ayaa dhaliyay 18 jeer 59 kulan oo tartan ah.
Awoodda weeraryahanku inuu saameyn ku yeesho tartamada Premier League ayaa si weyn loo dhaleeceeyay ka dib markii uu ku lug lahaa 5 gool 27 kulan oo premier Leageu ah.
Sida laga soo xigtay The Metro, xiddiga baxsadka ka ah Chelsea ayaa laga yaabaa in uu sii joogo premier League xilli ciyaareedka dambe.
Wararka ayaa sheegaya in Blues ay u soo bandhigtay 27-sano jirkaan kooxaha premier League ee Manchester United, Arsenal iyo Tottenham Hotspur.