Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu canshuur 30% ama 35%” saarayo Japan, haddii aan la gaadhin heshiis u dhexeeya labada dal ka hor dhammaadka toddobaadka soo socda.
Tallaabadan ayaa waxa ay qayb ka tahay waxa uu Trump ugu yeedhay “Maalinta Xoriyadda” ee 2-da Abriil, markaasi oo uu ku dhawaaqay canshuuro dheeraad ah oo la saaray soo dejinta badeecadaha ee dalalka adduunka.
Trump ayaa sidoo kale hadda ka hor shaki geliyay in heshiis lala gaadhi karo Tokyo. “Waxaan la macaamilnay Japan. Ma hubo in aan heshiis la geli doono. Waan ka shakisanahay,” ayuu u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan Air Force One, Talaadadii.
Japan ayaa diidday in ay ka hadasho hanjabaadda Trump ee ah in uu kordhinayo cashuuraha intii lagu guda jiro shir jaraa’id oo dhacay Arbacadii.