Ibrahima Konate Oo Ka Nixiyay Liverpool, Wadadii Trent Ayuu Maraya.

0
27

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool Ibrahima Konate ayaa go’aansaday inuu baxo isaga oo doonaya in uu si xor ah ugu biiro Real Madrid marka uu dhoco heshiiska uu kula jiro Reds dhamaadka xilli ciyaareedka dambe iyadoo kooxda Arne Slot ay aqoonsantay badalka daafaca reer France.

Konate ayaa u ciyaaryay Liverpool tan ilaa sanadkii 2021 markaas oo uu kaga soo biiray RB Leizpig.

Reds ayaa 36 milyan ginni ku soo iibsatay daafaca dhexe ee reer France markaas, waxaana uu tan iyo markaas noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican booskiisa.

26-sano jirkaan ayaa ahaa ciyaaryahan muhiim u ah difaaca Liverpool xilli ciyaareedkii hore, iyadoo kooxda Slot ay ku guuleysatay horyaalka Premier League.

Konate ayaa qandaraaskiisa Liverpool dhacayaa xagaaga 2026, Reds ayaa si adag uga shaqaynaysay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Si kastaba ha ahaatee, warbixin ka soo baxday Faransiiska ayaa lagu sheegay in daafaca uu go’aansaday inuu isaga tago Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, islamarkaana uu jeclaan lahaa inuu u dhaqaaqo Madrid.