Milos Kerkez Oo Ka Hadlay Ku Biirista Liverpool.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saxiixa cusub ee Liverpool Milos Kerkez ayaa ka hadlay dareenkiisa kadib markii lagu dhawaaqay heshiiska uu ugu biiray Liverpool.

Xiddiga Milos Kerkez ayaa manta si Rasmi ah loogu soo bandhigay isaga oo ah ciyaartoy Liverpool ah kadib markii uu kaga soo biiray Bournemouth.

“Sharaf iyo mudnaan ayay ii tahay inaan ku biiro Liverpool, waxaan ku dadaali doonaa inaan horumar sameeyo shaqsi ahaan Iyo waliba ciyaartoy ahaa”ayuu yidhi.

“waad ku mahadsan tahay qof walba taageerada weyn iyo soo dhaweynta diiran ee la ii soo dhaweeyay, dhawaan ayaan is arki doonaa”.