CIA-da Mareykanka oo tageerytay hadalkii Trump ee la xirriirtay duqeyntii Iran

0
45

Madaxa CIA-da ee dalka Mareykanka, ayaa taageeray aragtida madaxweyne Trump ee ah, in duqeymaha Mareykanka uu ka geystay xarumaha Nukliyeerka ee Iran, uu geystay burbur xooggan.

John Ratcliffe, ayaa sheegay in wakaaladdu ay heshay xogo sirdoon ooh or leh oo lagu kalsoonaan karo, kuwaas oo muujinaya in la burburiyay goobihii muhiimka ahaa ee Nukliyeerka Iran.

Maamulka Trump ayaa ka gows adeegayay xogo sir ah oo la dusiyay oo sheegayay in qaybaha xudunta u ah barnaamijka Nukliyeerka Iran uu dhaawac fudud gaaray balse aanan si buuxda loo burburin.

Ergeyga madaxweyne Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa telefishan Mareykanka ka sheegay in tayeynta Nukliyeerka ee Iran ay sii ahaan doonto “khadka cas” ee Mareykanka.

Laakiin wuxuu sheegay inuu hadda ku rajo weyn yahay heshiis nabadeed oo dhammaystiran oo lala gaaro Tehran.

Mr Trump ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka iyo Iran ay kulmi doonaan todobaadka soo socda.