Maraakiib xamuulka qaada oo ka leexday marinka Hormuz.

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saddex markab oo qaada shidaalka iyo kiimikooyinka ayaa beddelay jihadoodii kana leexday marin-biyoodka Hormuz, sida ay muujinayaan xogta raadraaca maraakiibta oo ay soo xigatay Reuters.

Maraakiibtan oo ahaa kuwa faaruq ah oo wax sidin ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Marie C iyo Red Ruby, kuwaasoo hadda baroosinka dhigtay meel u dhow xeebaha Isutagga ImaaraadkaCarabta .

Hormuz waa marin-biyoodka ugu mashquulka badan caalamka marka la eego dhoofinta shidaalka. Waxaa jirta cabsi ah oo sii xoogeysaneysa oo ah in Iran ay xirto marin-biyoodkan — taasoo ay uga aar-gudaneyso weerarrada Israa’iil.