Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa wadahadalo la furtay weeraryahanka Paris Saint-Germain Randal Kolo Muani, sida lagu sheegay warbixin.
Kolo Muani ayaa 76 milyan oo Euro PSG ugaga soo biiray kooxda Eintracht Frankfurt sanadkii 2023, laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu ciyaaro.
26-sano jirkaan ayaa amaah ugu dhaqaaqay Juventus bishii January waxana uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.
Juventus ayaa lasheegayaa in ay doonayso in ay sii haysato weeraryahanka kaas oo laba gool dhaliyay kulankii ay 5-1 kaga badiyeen kooxda Al-Ain ee koobka kooxaha aduunka.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ay tartan kala kulmayaan Chelsea, kuwaas oo wadahadalo la galay Kolo Muani, sida laga soo xigtay L’Equipe.
Kooxda Enzo Maresca ayaa durba xoojisay weerarkeeda xagaagan iyadoo 30 milyan kula soo wareegay xiddiga Liam Delap.
Xiisaha Blues ee Kolo Muani ayaa ku soo beegmaya xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka Nicolas Jackson ee Stamford Bridge.
Jackson ayaa hogaaminayay weerarka Chelsea xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, isagoo dhaliyay 30 gool 80 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.