Sara u kac ku yimid qiimaha Shidaalka Suuqyada Baladweyne

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Suuqyada lagu iibiyo Shidaalka iyo Basiinka ee Magaalada Baladweyne ayaa laga dareema sare u kac balaaran oo ku yimid qiimaha la iibiyo Shidaalka.

Liitarka shidaalka ayaa la iibin jiray 0.9 hada waxaa uu marayaa 1 dollar halka fuusatada Naftada ayaa la iibin jiray 175 dollar balse hada waxa ay mareeysaa 190 dollar iyadoo fuustada basiinka ay mareeyso 210 dollar.

Sare u kacaan ku yimid qiimaha shidaalka ayaa waxaa sababay xaalada ka taagan Bariga dhexe taasi oo keentay in ay xirmaan marinadii ay soo mari jireen maraakiibta wada Naftada iyo Basiinka sida Marinka Hormuz.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa fah-faahineysa