Maxaan ka ognahay gantaalka Fatax-2 ee ay xalay adeegsatay Iran ayna qaban waayeen difaacyada Israa’iil?

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ee IRGC ayaa xalay ku dhawaaqay in ay adeegsadeen gantaalka “Fattax hypersonic” kaas oo lagu weeraray Israa’iil.

Tani waxay u muuqataa inay tahay markii ugu horeysay ee IRGC ay adeegsadeen gantaallada Fattax tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Iran Jimcihii la soo dhaafay oo bishan ahayd 13 .

Ilaalada Kacaanka ayaa Fatax ku tilmaamay gantaal aan la xakamayn karin oo gudaha u galay gaashaanka difaaca gantaallada Israa’iil.

Milatariga Israel ayaa sidoo kale xaqiijiyay in gantaalada Iran ay ku dhaceen meel baabuurta la dhigto oo ku taal Tel Aviv.

Ilaalada kacaanka Iran waxay Israa’iil ku weerartay gantaallada Fatah-1 oo keliya intii lagu jiray Hawlgalkii “Odeh Sadeq II” 1-dii Oktoobar.

IRGC ayaa wakhtigaas sheegtay in gantaalkani uu awooday in uu “burburiyo raadaarada difaaca gantaallada ee Paykan 2 iyo 3 ee Israa’iil.”

Maxaan ka ognahay gantaalka Fattax oo ay ciidamada Kacaanku sheegeen in uu leeyahay tignoolajiyada “hypersonic” ama “supersonic” oo hadal hayn badan iyo mala-awaal badan dhaliyay?